Magalada Jigjiga ee casimada deegaanka Somalida ayaa mudo dhan labo todobaad waxaa ku sugan dad tiradoodu dhantahay 63 qof.

Qoomiyadaha ay ka soo kala jeedan dadkan waa sidan

  • 32 waa qomiyada Oromada
  • 15 waa qoomiyada Axmaarada
  • 10 waa qomiyada Dhabuubta
  • 9 waa qomiyada Ganbeelaha.

Dadkan oo laga soo tarxiilay wadamada Sucuudiga iyo Masar ayaa waxaa lagu soo qaaday diyaarad ah Ethiopia Airline.

Ka hor inataysan diyaaradu laa soo duulin laa soo kicitimin ayaa waxaa diiday inay ku soo dagaan deegaanka oromia iyo deegaanka axmaarada

Sido kale waxa laga diiday inay ku soo dagaan magalada Addis Ababa garoonka diyaaradaha ee ( Bole Interenational), sido kale dadka waxaa laga diiday inay ka soo dagaan ismaamulka magalada Diridhabe.

Waxaa kale oo laga diiday in laga soo dajiyo jamuuriyada Jabuuti oo xad lala leh dalka Itoobiya, kadib celcelin iyo diidmo badan ka dib dadkii waxaa laga soo dajiyay jamuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Waxaana deegaanka Somalida laga soo galiyey magaalo xuduudeedka Wajaale xalka oo galgaga soo qaaday baabuur.

Waxaana dadka laa geeyay, lagu xareeyay jamacada Jigjiga waxaana laa wareegay ilaalintooda ciidamada Faderal Booliska Itoobiya.

Dadkan oo aan lasaarin wax kantarool ah ayaa waxay si xor ah u dhexmarayaan magalada Jigjiga.

Ugu danbayn dadkan oo loo diiday inay toos oga soo dagaan deegamadii ay u dhasheen shaki laga qabo inay qabaan xanuunka covid-19 dartii ayaa waxay ku suganyihiin magalada Jigjiga.

Amar ka soo baxay dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa lagu cadeeyay inay galka joogi doonaan ilaa amar danbe walow aysan jirin wax dhakhaatiir ah oo loo keenay badhitaana ku samaynaya.

Shaafi Duulane Halgan Media Jigjiga