Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan magalaada Jigjiga ayaa sheegaya maleeyshiyaadka Liyuu Bolis oo ka amar qaata horjooge Cabdi Iley ayaa taagan is goys kasta.

Boqolaal maleeyshiyaadka Liyuu Bolis oo lagu daadiyay magalaada Jigjiga si ay dadka u gumadaan. Ariintan waxa kilafa kadib markii ay dhalinyaro farabadan ku mudaharaaden magalaada Jigjiga shalay oo gumeysiga iyo gacan yarahooda lagu horjeedo.

Xalada magalaada Jigjiga ayaa waxay wali ku jirtaa jawi kacdoon. Gumeysiga Itoobiya iyo gacan yarahooda waxay wadaan sidi ay ku cabudhin lahaayeen shacabka una joojin lahaayeen kacdoonka. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.