Wararka Halgan Media kasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan degmada Dhaka Sufti ayaa sheegaya in saaka subixii hore ay maleeyshiyaad Oromo ah weerar kuqadeen degmada Dhaka Sufti ee gobolka Libaan.

Werarkan oo aan wali khasaare rasmiya laga soo sheegin ayaa waxaa lasoo tabinayaa inuu jiro dhaawac aad ubadan. Shacabka Somaliyeed ayaa dhanka kala wada is difaacida waxayna maleeyshiyaadka Oromada kala hortageen dagaal aan waxba laysu reebin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ilaahay ka baryay inuu kala qaboojiyo dhiiga daadan haya iyo dadka dariska ah ee la isku diraayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.