Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay sakaay kooxo maleeshiyaad ah ka fuliyeen Koonfurta gobolka Canfaarta.

Maleeshiyaadkan ayaa weerar gaadma ah ku qaaday Gaari ay sarnayeen dad shacab ah oo kasoo jeedo Qomiyada Tigreega, ayaga oo kusocda jidka isku xidha gobolka Canfaarta iyo gobolka Tigreega.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dintay hal Qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah.

Lama oga illaa iyo hadda heybta dableyda fulisay weerarkan, iyagoona si aayar ah uga baxsaday halkaasi.

Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.