Wararka naga soo gaaraya galbeedka gobolka Siiti ayaa ku warramayaa in maleeyshiyaadka Canfaarta ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan duleedka degmada Alaale ee gobalkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa La dareemayaa, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Qar kamid dadka degaanka ayaa Taliska Mustafa Cagjar Ku eedeeyay inuu iska indha tirayo dhibaatada ay maleeyshiyaadka Canfaarta Ku hayaan shacabka Somalida Ku dhaqaan Galbeedka gobolka Sitti.  Sidoo kale Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mamuul kusheega Mustafa Cagjar oo ku aadan arrintaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.