Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan magalaada Hargeele ee xaruunta gobolka Afdheer ayaa  waxay sheegayaan in maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay 30 Qof Ku xiray magalaada iyo kadib xabsi u taxabeen.

Dadkan waxaa la xiraay kadib markii ay bilabeen kacdoon Iyo banaanbaxyo Lagu hor jeedo mamuulka Mustafa Cagjar.

Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ayaa waxay laban laabeen bar yahan dambe dhibaatadii ay ku hayeen dadka rayad ka ah waxayna ka gaysteen gudaha Ogadenia tacadiyo kala duwan sida dil, kufsi iyo boob baah san oo ay ku hayaan hantida dadka rayidka oo waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.