Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus ee maleeyshiyaadka Oromada caawa ku qaadeen degmada Tuliguuleed oo katirsan gobolka Fafaan ee dhulka Somali Galbeed.

Wariyaha Halgan Media uga soo warama jiida hore ayaa sheegay inay Maleeyshiyaadka Oromada ku daateen gudaha degmada Tuliguuleed oo ay gacanta ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka Oromada rasaas ku fureen dad shacab oo aan waxba galabsaniin, Waxaana weerarkaas ku naf waayey hal qof, waxaana ku dhaawacmay 5 kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo qeybo ka mid ah degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.