Maleeyshiyaadka Oromada ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka udheexeyo Ogadeniya iyo gobolka Oromada, gaar ahaan degmada Jinicsani.

Maleeyshiyaadka badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan gobolka Oromada iyo Ogadeniya. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay Oromada marwalba weeraran degmada Tuliguuleed iyo tuuloyinka udhow.

Muddooyinkii dambe Oromada ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan xaduudka udheexeyo Somalida iyo Oromada, gaar ahaan gobolada Fafaan, Shiniile, iyo gobolka Libaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.