Ciidamada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta ay gudaha u galeen Hoteel lagu magacaabo Makka oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay soo wariyeen dad goobjoogayaal ah Ciidamada nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in ay gabi ahaan Albaabada isugu dhufteen Hoteelka, kana saareen dadkii daganaa. Ma cadda illaa iyo hadda u jeedada dhabta ah ee ay Ciidamada NISA Jubbaland u bartilmaameedsadeen Hoteelkaasi.

Hoteelka Makka ayaa ka mid ah Hoteellada ugu caansan ee ku yaalla Kismaayo, iyadoona ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, siyaasiyiin caan ah iyo Ajaaniib.