Wararka nagasoo gadhay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya maleeyshiyaad Oromo ayaa weraar kuso qadaan tuula laba kilometer ujiro degmada Ma’aayso ee gobolka Shiniile.

Maleeyshiyaad Oromo oo aad uhubaysan oo la safan ciidamada militariga itoobiya ayaa weraar xun kuso qadeen tuulo la yidho Qabalaha Soomaadaye kutaalo duleedka degmada Ma’aayso. Maleeyshiyaadka Oromada iyo ciidanka federalka itoobiya oo is wata ayaa waxaay xasuuq bahsaan kagaysteen tuulada iyo shacab farabadan dhawaac gadhsiyeen.

Waxaan helay qar kamid magacyaada dadki ay dileen maleeyshiyaadka Oromada iyo ciidamada gumeysiga itoobiya. Waxaa kamid ah.

  • Ahmed Cabdullahi Yusuf
  • Buux Buraale Cabdi
  • Ahmed Nasir Yusuf
  • Xassan (aan magaciis sedaxad helin)

Waxaana ilahay uGu baryayna inuu ka dhul waado dhibaatada iyo gumeysiga shacabka Somalida Ogadenia. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.