Wararka laga helayo gobolka Fafaan gar ahaan degmada Tuliguuleed ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromada gubeen guryo badan oo ku yallo tuulada Buurmadow iyo Goolmayo oo udhow degmada Tuliguuleed.

Goobjoogyaal oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay inay maleeyshiyaadka Oromada kuso duleen tuuloyinka Buurmadow iyo Goolmayo kadib bilabeen inay gubaan guryo iyo hanti farabadan. Shacabka kudhaqaan tuuloyinka Goolmayo iyo Buurmadow ayaa u kacxeen degmada Tuliguuleed siidi ay naftood badbadiyaan.

Dhacdaan foosha xun wuxuu yimiid sedax isha kadib markii ay beelaha Soomaaliyeed kudhaqaan  degmada Tuliguuleed iyo wakiilka u qabilsan kooxda loo yaqaano Jaarso oo kasoo jeedo gobolka deriska ee Oromada saxixeen heshiish nabadeed. Weraarka ay Oromada maanta soo qadaan mahaan markii u horayay ay Oromada jibiyaan heshiish nabaded oo dhex maray labada Qomiyaad ee Somalida iyo Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.