Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Maleeyshiyo oo saaka aroortii hore dib uga qaraxay xadka ay wadaagaan dalalka Koonfur Sudan iyo gobolka Gambella oo katirsan galbeedka Itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay ugu yaraan 5 Qof Ku dhinteen dagaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaanadii lagu diriray ee xadka Gobolka Gambella iyo dalka Koonfur Sudan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.