Garashada fayow iyo fahamka siyaasaddu waxay u baahantahay in qofkasta oo muwaadin ah wuxuun kala socdo meesha giraan-girta siyaasada wadankiisu ku wareegayso inta heerkiisa ah, si uu ula jaan qaado isbadalada guud ahaan ka dhacaya aduun waynaha khaas ahaana wadankiisa, waxaa kaloo soo galaya la socodka uu la socdo xaalka ay ku sugan tahay bulshada uu ku dhex nool yahay iyo dhibaatooyinka haysta, isla markaasna wuxuu si fudud u lafa guri karaa dhibaatooyinkaas deedna wuxuu baadi goobi karaa sidii loo heli lahaa xal waara oo wax ku ool u noqon kara bulshadaas, wuxuuna qofku codkiisa ku biirin karaa inta jecel inay wadankooda wax u qabtaan.

Kobcintaas waxaa aas’aas iyo bud dhige u ah aragti dhamays tiran, garasho qodo-dheer, dareen mas’uuliyadeed iyo rabitaan isbadal wanaagsan oo midnimada umada ku salaysan, dhacdooyinka qalafsan ee tiiraanyada leh ee uu dalkeenu kujiro waxaa la is odhan karaa waxaa ugu wacan aradka garaadka siyaasadeed ee ku baahsan dalka iyo habacsanaanta ka muuqata siyaasiin isku sheega meel walba la taagan lugooyada wadanka iyo shacabkaba, waxaana muuqata inay ku yar tahay dareenka garaadka siyaasadeed ee mas’uuliyadeed iyo wacyiga la doonayo in qof walba oo inaga mid ah xambaarsanaado.

Siyaasada aan ka hadlayo ma ahan mida ku dhisan beenta, sadbursiga, cadaalad darada iyo reer hebal iskaceli mana ahan sidoo kale mid ku dhisan wax tabco mudo yara ku taajir, hantida dadwaynahana uruurso, nasiib daro hadii aad dib u jaleecdid hagardaamooyinkii wadanka Soomaaliya soo maray waxaa kuu soo baxaya maqnaanshaha uu maqan yahay garaadka siyaasadeed iyo wacyiga muwaadinimada oo aad u hooseeya taasoo dhalisay dib u dhac wayn oo ku yimaada dalka guud ahaan iyo shacbigeenii oo meel walba ku dhibaataysan gude iyo dibadba.

Lasocda qaybta danbe ee maqaalkan Insha Allaah.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com