Ummada Soomaaliyeed waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oodhaahdii uu Hitler yidhi ee ahayd “If you want to kill a nation first kill their history” oo ah (Haddii aad doonaysid inaad Ummad dishid marka hore dil taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalkani uu rumoobay marka aynu eegno qaab dhaqanka Mustafe Cagjar oo raba inuu qariyo taariikhdii iyo halgamadii colaadeed ee Xabashi iyo Soomaali soodhexmaray isaga oo si xishood la’aan ah ugu hadaaqaya hadalo ku dhisan Axmaaro jacaylka iyo waxaynu nahay dad walaalo ah, run ahaantii waa wax laga yaqyaqsado inuu maanta Mustafe la soo istaago waxaan Jigjiga ku xusayaa Taariikhdii dagaalkii Adwa ee Hayle Salaase iyo Talyaani dhexmaray laakiin waa taariikh madow oo ku suntan Mustafe iyo Xukuumaddiisa.
Haddii aynu qaaciddada guud ka dhiraandhirino collaada halgan ee Guumaystaha madow waa Ethiopia,e ee qabsaday dhulka Soomaalida Ogaadeenya kuna giijino waaqica manta, ummad waliba waxay leedahay rag u istaaga xorriyaddeeda iyo jiritaankeeda, innaguna rag noocaas ahi way joogaan wayna joogi doonan Insha Allaah.
Halganka dhulka Ogaadeenya waa mid soo bilowday qarniyo fog sida halgankii Ahmed Gurey oo lagu qiyaaso inuu soobillaamay qarnigii 16aad, sidookale halgankii Sayid Mohamed oo isna soobilowday qarnigii 19aad, iyo halgankii Makhtal Daahir ee Geeshka oo isna bilowday 1960 iyo halgannadii ka danbeeyay ee Nasrullaahi, XXO, JXO, WSLF iyo ONLF dhammaan halgamadaasi waxay dagaalka kula jireen waxay ahaayeen Gumaysiga Ethiopia ee Xabashida, mana jirto meel aynu inaga iyo Xabashi ku walaalownay, shacabka Soomaalida Ogaadeenyana waligood maysan helin Xuquuqdooda aayo ka talin, lamana waydiinin rabitaankooda, hana kala reebin nidaamkii Gumaysiga ee kala gaddisnaa ee Ethiopia soomaray laga soo billaabo Minilik, Haileselassie, Mengistu, Males iyo Maamulka hadda jira ee PP (Abiye) xukumo.
Haddaba colaada Soomaali iyo Xabashi wali way taagantahay mana aqbalayno in maanta Jigjiga lagu xuso guul dagaal oo ay Ethiopia gaadhay, inkastoo ay waligoodba inoo samaysan jireen gacan yare yaal u adeega oo iyaga danahooda u fuliya, Mustafana kuwaas uun uu kamid yahay Jigjiga iyo Deegaankana uu hadda isagu Madaxwayne ku meel gaadh ah ka yahay haddana annagu ka shacab ahaan ma aqbalayno rabitaanka cadawgeena iyo in Jigjiga looga dabaal dago Dagaalkii Adwa ee 1896.
Mustafe Muhumed Omar Muuqa iyo Afka waa ka Soomaali Uurka iyo Qalbigana waa ka Axmaar.
W/Q : Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
Liibanabdi29@gmail.com