Dowladda Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin oo kooban la gaartay ururka Taliban eek a dagaallama waddanka Afganistan

Heshiiska oo socon doona mudda todobaad ah ayaa u gogol-xaaraya qorshe lagu doonayo  in ciidanka Mareykanku kaga baxaan dalka Afganistan.

Sarkaal u hadlay  Mareykanka ayaa laga soo xigtay in heshiiskaas todobaadka ah uu shigayo in kooxda Taliban ay yarayso rabshadaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay ayaa sheegay in heshiiska oo dhawaan dhaqan-geli doona uu quseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay.

Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo waxa la filaya in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda Nabadda Afganistan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.