Warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Cilmi-baarista ee Kongareeska Maraykanka waxaa lagu muujiyey in ay Hay’addaha Ammaanka Kenya ka mid yihiin dalalka Africaanka ee macaashka badan ka helay Taageeradda Maraykanka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Warbixinta Machadka oo la soo saaray bishan Janaayo 16-dii, waxaa lagu xusay in Waaxda Gaashandhigga Maraykanka ee The Pentagon  ay Dowladda Kenya ku taageereen Dhaqaale  dhan 400 million oo Dollar oo loogu talagalay La-dagaalanka Al-shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay.

Machadka Cilmi-baarista ee Kongareeska Maraykanka waxay sheegtay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya ay Taageeradda  Maraykanka u adeegsadaan Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Khabiirad lagu magacaabo Lauran Ploch Blanchard oo Machadkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Afrika waxa uu sheegtay in Eedeymaha Tacadiyada ay Hay’addaha Ammanka Kenya geystaan ay caqabad Imtixaan ku yihiin Isla-shaqaynta Hay’addaha  Ammaanka Kenya.

Waxay intaasi ku dartay  in ay Kenya weli tahay dalka ugu sareeya ee ay Maraykanka u siiyaan Taageeradada Xoojinta Sharciga iyo La-dgaalanka Al shabaab.

Waxaa laga soo xigtay Lauran Ploch Blanchard in Lacagaha ay Maraykanka siiyaan Kenya badankeeda loo adeegsado Tababarka iyo Qalabka Milliteriga, balse, Dowladda Kenya marnaba ma shaacinin Kharashka ay ku bixiyaan Ammaanka Qarankooda iyo Deeqaha ay ka helaan Hay’adda Ammaanka ee dalalka shisheeyaha.

Warbixinta Machadka Cilmi-baarista Kongareeska Maraykanka waxaa lagu muujiyey in Kenya ay sanooyinkii la soo dhaafay dhibaatayn dhaqaale kala kulmeen Weeraradda Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.

Al shabaab waxay horey ugu baaqeen inay Kenya Ciiddankeeda kala baxdo gudaha dalka Somalia, haddii kale ay wajihi doonaan weeraro lala beegsada ciiddankooda iyo kuwo ka dhaca gudaha Kenya.

Weerarkii ugu dambeeyey waxay Dagaalamaaysha Alshabaab bilowgii bishan ku qaadeen Saldhiga Milliteriga Maraykanka iyo Kenya ku leeyihiin Manda Bay ee Laamu, iyadoo uu duullaankaasi dhaliyey dareen cusub oo ay Milliteriga Maraykanka iyo kwua Kenya ka qabaan  cabsiga xooggan ee Alshabaab.