Wararka nagaa soo gadhaya magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xubna katirsan Jabhada OLF lagu xidhay magalaada Adiis Ababa.

Siidi ay sheegen idacaada BBC ee laanta Oromada, waxaa magalaada Addis Ababa lagu xidhay 5 xubno katirsan Jabahada OLF, kadibna xabsiga loo taxaabay.

Dadka la xidhay waxaa kamid ah Abdi Regasa iyo Michael Bora oo ah Xubin katirsan Jabhada OLF lakiin idacaada BBC ee laanta Oromada maa shacaaniin sedaxda kale magacooda.

Tolera Adeba oo ah afaheenka u qabilsan Jabhada OLF ayaa sheegay in masuuliyiinta gurigooda lagu xidhay, waxaana hada lagu haaya xero ay leyihiin booliska federalka loo yaqaano “Sostegna” siidi ay sheegen idacaada BBC ee laanta Oromada.

Weli lama ogow wixi keentay in la xidho masuuliyiinta katirsan Jabhada OLF lakiin xariirka u dhaxeeyo Dowlada Federalka  iyo Jabhada OLF ayaa noqday mid lito kadib markii xukuumada Abiy Ahmed ay falaal la mid xadguduubyo kula kaceen Jabhada OLF iyo tageradooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.