Dagaal u dhaxeeya kooxo hubeysan oo Liibiyaan ah ayaa ka dhacaya magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Kooxaha hubeysan ee ku dagaalamaya magaalada Tripoli, ayaa ku tartamaya la wareegida maamulka magaalada, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad shan ruux 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

Meelaha lagu dagaalamayo, waxaa ka mid ah xabsiyo ay ku xirnaayeen Soomaali tahriib ahaan ku gaaray magaalada Tripoli, kuwaasi oo qaarkood la sheegay in ay ka baxsadeen xabsiga kadib markii ay ka baqeen inay rasaasta saameyso.

Xabsiyo badan oo ay ku xirnaayeen Soomaali tahriib ah ayaa albaabada loo balaqay, sida uu xaqiijiyay Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Danjire Ali Saciid Faqi.

Soomaali badan ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Liibiya, iyadoona, dowladda Soomaaliya dhawr mar dalka ay keentay maxaabiis, welina waxaa socda hawlo lagu soo daabulayo maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.