Maxkamada Ciidanka Qalabka Sidda qeybta 27-aad ayaa xukuno kala duwan ku riday Askar ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka oo sameeyay falal ka baxsan Sharciga.

Dable Axmed Isaq nuur oo ka mid ahaa Al-Shabaab waxaa Maxkamadda ay xukuntay 8 sano oo xabsi Ciidan ah ka dib markii lagu eedeeyay in uu doonaayo in uu gooyo wadada xiriisa gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Dable xoogga Cali Xasan Maxamed oo ka mid ahaa Ciidanka dowladda ayaa lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dagaal beeleed ka dhacay Xadka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, Waxaana Maxkamada ay ku xukuntay Saddex Sano oo xabsi Ciidan.

Maxkamada Ciidamada ayaa sidoo kale Dable Cabdulqaadir Aadan Cali oo lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu dilo talihiisa ku xukuntay Hal Sano oo xabsi Ciidan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda qeybta 27-aad ayaa sheegay in dhammaan Saddex ruux ay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidanka ayaa horay uga digtay in Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qataan dagaal beeleedyadda ka dhaca dalka.

Halgan Media.