Midowga Yurub ayaa sheegay in wali xeebaha Soomaaliya ay ka jirto khatarta burcad-badeeda qafaasha maraakiibta. Marco Guerriero oo ka tirsan ciidamada badda Talyaaniga ee howlgalkaasi ayaa shaaciyay in ay dar-dargelinayaan guluf ka dhanka ah burcad-badeeda.

“Dhalinyarada burcad-badeedku dib ayey isku soo abaabuleen…waxayna doonayaa in ay fuliyaan weeraro,” ayuu yiri Guerriero.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in howlgal roondo ay dhowaan ka sameeyeen biyaha u dhaxeeya Soomaaliya, Yemen, Jabuuti iyo Eritrea.

Howlgalka Atlantic, oo uu taageero Midowga Yurub, ayaa waxaa kaga sugan biyaha Soomaaliya maraakiib la dagaalanta kooxaha burcad-badeeda.

Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo soo shaac-baxay intii u dhaxeysay 2008-kii iyo 2012-kii ayaa afduubtay maraakiib ay lacago madax furasho ka qaateen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.