Howlgalka Midowga yurub ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday in ay xoojinayaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan ammaanka Maraakiibta gargaarka ee u raran barnaamijka cuntada Qaramada Midoobay ee WFP.

Taliyaha howlgalka Atlanta ee MidowgaYurub Admiral Alfonso Perez ayaa dalka Jabuuti kula kulmay saraakiil ka tirsan hay’adda cuntada QM ee WFP.

Mr Alfonso iyo madaxda WFP ee dalka Jabuuti ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dhinaca ammaanka ee Maraakiibta sida gargaarka ee ku wajahan Somalia, si ay kaalmo bani’aadanimo u gaar siiyaan dadka ku dhibaateysan gudaha Somalia.

Howlgalka la dagaalanka Burcadbadeed ee Atlanta ayaa bilihii la soo dhaafay si nabad gelyo ah Somalia u soo gaarsiiyay Maraakiib gargaar oo leedahay hay;adda Qaramada Midoobay ee WFP.

Illaa iyo markii uu howlgalka ka bilowday baddaha Somalia sanadkii 2008-dii ayaa waxaa uu ku guuleystay in 1.8 million oo ton oo gargaar ah si nabad gelyo ah loo gaarsiiyo Somalia.

Ururka baddaha caalamiga ah ee IBM iyo Midowga Yurub ayaa warbixin dhawaan ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in ay weli jirto halista kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.