Wararka ka imaanaya magaalada jigjiga ee xaruunta gobolka Fafaan ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen waxyabaha qarxa iyo dhaqaalo badan oo la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah.

Ciidamada amaanka ee mamuulka Jigjiga ayaa sheegay in baaritaano iyo xogo la helay kadib gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in xarumaha waxbarashada iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynaha lagu weeraro.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xogtaan kadib markii ay dadweynaha lasoo wadaageen, taasina ay dhalisay in laga hortago inta shacabka aan la waxyeeleen.

Ujeedada ka dambeysa falkaan ayuu sheegay inay tahay wiiqitanka mamuulka Mustafa Cagjar, sidi at  sheegen saraakiisha amaanka.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay inay dib dambe ka shaacin doonaan dhaqaalaha malaayiinta gaaraya ee la doonayay in qaraxyada lagu bixiyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.