Muslimiinta ku nool dalka Kenya ayaa bayaan ka soo saaray amar dhawaan ka soo baxay Maxkamad ku taala Kenya ee ahaa in aysan Gabdhaha Xijaab u qaadan karin Iskuulada xiliyada qaar.

Hey’ad ay ku mideysan yihiin Musliinta Kenya oo bayaankaan soo saartay ayaa sheegtay in go’aanka uu ahaa mid ay ka naxeyn oo muujinaya kheyrul masuulnimo, waxay kaloo sheegay iney dadaal badan ku bixinayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen go’aankaasi.

Muslimiin badan oo Kiinyaan ah ayaa arintaan aad uga hadlay saacadihii la soo dhaafay, waxayna Maxkamadda ka dalbadayn in go’aankaasi ay ka laabato si deg deg ah. Dad badan ayaa ka digaya dhaqan galka go’aankaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.