Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado joog hoos ku duulayo oo loo maleeynayo in ay yihiin nuuca loo yaqaano Helikopter-ka ayaa xalay dul marayay tuuloyinka hoos yimaada degmada Diinsoor.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in xalay tuuloyinka kala ah Kanaax iyo Qodqod oo hoos yimaada degmada Diinsoor laga maqlayay diyaaradaha loo yaqaano Helikopter-ka oo kor heebaabayay tuuloyinka, balse diyaradahaan ayaa lashegay in aysan ushidneen wax iftiin ah, taas oo sababay in ay dadka degaanka dareeman cabsi xoogan.

Sido kale, diyaaradahan ayaa la sheegay in ay si joogta ah ugu dul wareegayeen guryo gaar ah oo labada tuulo kuwada yaala, midaa oo xoojisay cabsida in ay surtagal tahay in ay ugeystaan duqeymo dadka guryahaas dagan in kasta oo aysan wali midaa cadeyn.

Weli lama oga wadanka lahaa diyaaradaha Helikopter-ka oo kor duulayay tuuloyinka hoos taga degmada Diinsoor iyo ujeedada ay ka lahayeen, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay isbahaysiga Shisheeyeha uuna hor kacayo Mareykanka una qabilsan howlgallada dhanka cirka ah ee ka dhaco gudaha Soomaaliya.

Halgan Media.