Wararka naga soo gaaray caasimada dalka ee magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay gelinka dembe ayuu MW Farmaajo la hadlay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa Halgan Media uu xaqijiyay in ay labada hoggamiye ka hadleen xaaladda cakiran ka tagaan Soomaaliya iyo doorashada soo socda oo ah mid xasaasi oo sameeyn weyn ku yellan doono mustaqbalka Somalia.

Amiirka Qatar, Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa mar kale MW Farmaajo uu balan qaaday in ay xukuumada Doha uu garab tagaan tahay, waxaayna malmahaan soo socdo ku wajahan magalaada Muqdisho wafdi ka socdo dowlada Qatar oo hor kacayo Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani oo ah Wasiirka Ariimaha dibaada ahna RW dalka Qatar sida aan ka xiganay ilo ku dhow Villa Somalia.

Dhinaca kale, waxaa magalaada Muqdisho ka socdo hub uruursi xoogan ay wadaan dhinaca uu loolamayo kurasta madaxtooyada, taas oo keentay in uu magalaada Muqdisho buux dhafiyo hub iyo ciidan aad uu badan, waxaana laga cabsi qaba in uu dagaal sokeeye ka Qarxi caasimada Muqdisho, taas oo Ku fidi doono guud ahaanba 18 gobol oo katirsan dalka, hadi oo MW Farmaajo isku deeyo in uu boobo doorashada.

Halgan Media.