War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA loosoo gaabiyo waxaa lagu sheegay in Howlgalo qorsheysan oo oo ay ka sameeyeen Muqdisho ay kusoo qabtteen Shabakad Al-Shabaab Qaraxyada u qaabilsan.

NISA waxa ay soo bandhigtay Sawirro iyo muuqaal kooban oo ay ku sheegtay in ay yihiin walxaha qarxa iyo maadooyinka laga sameeyo kadib markii ay sameeyeen howlgalo qorsheysan.

Hay’adda NISA ayaa tilmaamtay in waqtiga howlgalkooda uu dhacay uu ahaa 26 ilaa 28 bishaan, iyaga oo galay goobo ay bartilmaameedsanayeen sida hadalka looga dhigay.

Fulinta howlgalka waxa ay NISA sheegtay in ay sahashay kadib wadasahqeyn dhexmartay Shacabka iyo Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka oo ay gacan ku siiyeen xogta halka qaraxyada lagu diyaarinayay.

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA weli masoo bandhigin Sawirada iyo Magacyada shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalkaan ay sheegeen in ay kusoo qabteen shabakad Al-Shabaab Qaraxyada u qaabilsan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.