Odayaasha dhaqanka ee gobolka Sitti oo  kulan balaadhan isugu yimid ayaa canbareeyay weerarka ay maleeyshiyaadka Canfartu iyo ciidamada kilaalka Canfaarta kuhayso shacabka Somalida ku dhaqaan galbeedka gobolka Sitti ee dhulka Somali Galbeed.

Odayaasha oo tacsi udiray dadkii kudhintay dagaalada, ayaa dhanka kalana baaq udiray Dowlad Degaanka Somali Galbeed iyo shacacbka Soomaaliyeed.

Odayaasha oo ay hogaaminayeen ugaas-yada iyo guurtida beelwaynta Ciise ayaa dadka reer Sitti ugu baaqay inay gacmaha isqabsadaan iyo ayahooda ka tashadaan siidi dadka rayidka laga bad badiyo dulaanka Canfaarta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.