Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Axmaraada oo xalay ka Qarxay Gob Wolla oo dhacda xadka ay wadaagaan Ismaamulka Axmaraada iyo Oromada.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku sii fiday dhowr degaano katirsan gobolka Wollo. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.