Wararka laga helayo gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya mamuulka u qabilsan Degmada Dollow in ay gebi ahaanba Korontada ka jaren degaanka sida ay Halgan Media u xaqijiyeen dadka deeganka.

Sida aan xogta ku helnay, Mamuulka Degmada Dollow ayaa sakay si toos ah uga jaray Korontada, waxaana hawada ka maqan goobihi warbahinta ee ka howlgalayay Degmada Dollow, sidoo kale koronta la’aanta magalada kajirta ayaa hor istaagtay shaqadii laga qaban jiray warshadahii bixinaayay barafka Iyo biyaha.

Weli maa cada sababta keentay in ay mamuulka Degmada Dollow ay korontada ka jaran bulshada, mana la ogo xiliga ay sii deyn doonan korontada. Waxeyna koronta la’aanta sameeyn weyn ku yelatay goobaha ganacsiga ku yallo degaankaasi.

Waxaana mudadii u dambeysay soo batay dhibaatada ay mamuulka cusub ee ka dhisan gobolka Gedo ay ku hayaan bulshada ku dhaqan degaanada Kala duwaan ee hoos yimaado Gobolkaasi.

Halgan Media.