Magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Jubbaland waxaa saakay gaaray Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF, waxaana uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Qalbi dhagax ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan maamulka Jubbaland.

Soo dhaweyn kadib hadal kooban uu Qalbi Dhagax warbaahinta siiyay ayaa waxa uu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu gaaro Kismaayo, isaga oo uga mahadceliyay shacabka reer Kismaayo sida Soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweeyeen .

Inta uu ku sugan yahay Kismaayo ayaa Qalbi Dhagax waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.