Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan  qarax miino oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday. Qaraxan ayaa Ciidamada Itoobiya waxaa lagula eegtay degaanka Ceelgaal ee duleedka Magaalada Baledweyne, halkaasi oo ay marayeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada qaraxaan lala eegtay ayaa ku sii jeeday xaduudka beenad udheexyo Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Ogadenia, waxayna markii hore ka soo ambabaxeen Magaalada Buulo burde iyaga oo muddo wadada ku sii jiray. Ururka Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Ajanabiga iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya ciidamada Shisheeyaha.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.