Faahfaahino dheeraad ah oo ka Soo baxaayo Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

Warar hordhac ah oo ku Soo baxayaan Qarax Xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayay wararku sheegayaan in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Bar kontrol oo oo laga ilaaliyo xarunta dugsiga sare ee Booliska oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Qaac ka dhashay qaraxan oo daruuro la moodo cirka isku shareertay sida ay sheegeen dadka degmooyinka waaberi iyo Xamar jabab, iyadoo rasaas xoogan ay rideen ciidamada amniga.

Dugsiga sare ee Booliska (Iskoolo Buluusiyo) ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee laga hogaaminayo ciidamada amniga ee howlgalada ka wada Magaalada Muqdisho.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaraxan inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxaana aad u adag in xog laga helo goobta ay wax ka dhaceen maadaama ay tahay xili habeenimo ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.