Wararka goordhow naga soo gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax inta badan laga maqlay Magalada.

Wariyeyaal ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa qof isa-soo miidaamiyay,isla markaana uu ka dhacay kasoo horjeedka Xarunta Inji oo uu ku Shaqeeyo Maamulka degaanka gaar ahaan Xafiiska horjooge Maxamed Shaakir oo hoggamiyo Maleeyshiyaadka oo La Magac bahay Ahlu Sunnah Wal Jamaca tabacsan ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale Qarax kale oo xoogan ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana qaraxan la sheegay in uu ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska.

Dad kusugan magaalada Dhuuso Mareeb ayaa noo sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxa goordhaw dhacay , walina lamana oga  in qaraxan goordhaw dhacay uu yahay mid ismiidaamin ah iyo qarax kale.

Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah ayaa gaaray goobta uu qaraxa labaad ka dhacay, waxaana la xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Dhuuso Mareeb gaar ahaan wadooyinka gala xarumaha ay joogaan Madaxda degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.