Wararka naga soo gaadhaya Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya waanwaan nabadeed oo baryihii lasoo lasoo dhaafay kasocday deegaanada Axmaraada iyo Benshangul.

Sida xogta aan kuhelayno odayaasha dhaqanka ee qoomiyadaha Axmaraada iyo Benshangul ayaa todobaadkan kujiray shirar isdaba joog ah oo ay kuxalinayaan khilaafkii dabada dheeraa ee kadhaxeeyay labada qoomiyadood ee ood wadaagta ah.

Dagaalka labada qoomiyadood oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah ayaa larumaysan yahay in ay dabada kariixayeen saraakiishii Oromada ahaa ee talada wadanka Gumaysiga Itoobiya hada gacaanta ku haayo.

Odayaasha qoomiyadaha Benshangul iyo Axmaraada ayaa sheegay in ay xalwaara kagaadhi doonaan khilaafka labada qoomiyadood u dhaxeeyo, waxayna odayaashu sheegeen in ay meel gabogabo ah marayaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.