Dhulka Ogadenia waxaa ka jirta abaar aad u daran oo saameyn ku yeelatay dalka oo dhan laga soo bilaabo dhulka oomanaha ah ee ay xoolo dhaqatadu ku badan yihiin ee Gobolka Doollo iyo dhulka badhtamaha Ogadenia ah ilaa galbeedka iyo gobolada Koonfureed ee Liban iyo Afdheer, abaartan waxaa inta badan ay ka dhalatay roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo aan sidii la filayay u di’in.
Dadka ugu badan oo ay abaartani saameysey waa dadka Baadiyaha dagan ee Xoolo dhaqatada ah ama beeralayda ah, cunto iyo biyo yaraanta iyo sicirka cunnada oo sare u kacay, ayaa sababay abaartan, sidookale waxaa iyana jira, barakacayaal aad u badan oo ka sooqaxay dagaalada xuduudaha Galbeedka Ogadenia oo hadda ku nool xeero wayn oo u dhaxaysa Harar iyo Jigjiga xeradaas oo laguna magacaabo (Qoloji) iyaga oo aan heysanin waxay cunaan iyo guryo ay ku hoydaan, gurmad iyo kaalmo, kama aysan helin hay’adaha gargaarka bixiya ee Dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaan midna.

Sidaas si lamid ah, xaaladda bini’aadamnimo ee deegaannada Bariga iyo Koonfurta Ogadenia waa ay kasii dareysaa, abaartu sababta oo ah waxaa aad u hooseeya awoodda dhaqaale ee bulshada, waxaana jira cunno yari, taas oo u nugleysay cudurro badan iyo macluul aad u daran, kaabayaasha dhaqaalaha ayaa burbursan, cudurraduna si dhaqso ah ayay ku faafayaan, xoolana ma dhaqan karaan dadku, taasi oo sii adkaynaysa helidda wax lagu noolaado, taas oo keeni karta macaluul iyo nafaqo darro aad ubadan.

Sidaan qaybta hore ee qoraalkaba ku soosheegay waxaa dhulka Ogadenia aan si fiican uga di’in labo xilli-roobeed, waxaa sidoo kale jirta in Webiga Shabeelle uu isna biyo yareeyay, taas oo hoos u dhac ku keentay wax soo-saarka beeraha, maadaama heerka biyuhuna aanu ahayn mid ku filan waraabka beeraha Shabeele, dhanka kale waxaa kale oo ka qayb qaadatay in dhibaatooyinka abaaruhu ay sii xoogeystaan, iyada oo aanay jirin hay’ado dowladeed oo heer qaran iyo heer gobol oo si mug iyo macno leh u shaqaynaya.

Wasaaradaha dalka ee Xoolaha, Dhirta Guriyeynta, caafimaadka iyo adeegyada bulshada sida kuwa kheyraadka biyaha iyo macdanta si wanaagsan uma shaqeeyaan, sababtoo ah waxay ahayd in ay wasaaradahan xal u helaan dhibaatooyinka cunto yarida, cudurrada faafa, biyo yaraanta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, kuwaas oo ah kuwo dhammaan liita, idaas darteed, waxaa adag in qorshe maangal ah la dejiyo oo lagula tacaalayo u nuglaanta dalka ee abaaraha iyo cunto yarida.

Marka la eego istiraatiijiyadda xal u helidda musiibooyinka wakhtiga fog, dawladdu ma aanay hirgelinin mashaariic ku filan oo bulshada u sahlaya in ay abaaraha u adkaystaan, sida abuurista habab kala duwan oo nolosha lagu soo saarto, sida hirgelinta wacyigelin dhanka cimillada ah iyo in la baro bulshada deegaanka xirfadaha lagula tacaalo musiibooyinka soo noqnoqda oo ka dhasha cimilada, baaqsiga arrimahaas xaasaasiga ah laga baaqsadayna waxa ay ka qeyb qaateen abaaraha soo noqnoqday ee Ogadenia.

Arrinta ugu adag ee heysata gobollada ay abaartu saamaysay waa iyada oo aanay jirin qorshe gargaar bini’aadamnimo. Xilligan aan hadda joogno Ethiopia waxay kuwada mashquulsantahay xaalad doorasho oo waxaa bilowday ol-olaha doorashada ee heer Deegaan ilaa Federaal, sidaas dartees Dawladdu waxayba kusiijeedaa hawlaha doorashada, iyadoo ay taasi jirto haddana Dawladda dhexe iyo maamulka Deegaankuba midkoodna ma laha tabar ay ku xalliyaan musiibada qaran wakhtiga fog ama wakhtiga dhaw, inkasta oo roobabkii la filayay oo aan di’in, inta badan loo sababeynayo abaarta hadda jirta, haddana dhibaatada abaarta Ogadenia waxay calaamad u tahay caqabado tira badan oo u baahan xal istaraatiiji ah.

Abaaraha kusoo noqnoqday Gobolka Ogadenia waxaa sidoo kale sii xumeeyay iyadoo aanay jirin hay’ado dowladeed oo si wanaagsan u shaqeynaya, taasi oo mid adag ka dhigtay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah shacabka beeraleyda ah iyo kuawa xoolo dhaqatada ah ee ku nool dalka, caqabadaha kale waxa kamid ah, dib u dhaca gargaar ee caalamiga ah iyo sidoo kale yaraanta dhaqaalaha ay heystaan dadka kunool dalka (Shacabka) iyo yaraanta iyo daahidda deeqaha ka imaanaya hay’adaha gargaarka caalamiga ah, iyo dagaallo siyaasadaysan oo u dhaxeeya xuduudaha Deegaanada Soomaalida, Oromada iyo Canfarta, sidookale waxaa jirta waxyeeleyn loo gaysto deegaanka sida xaalufinta iyo jaridda dhirta oo ah arrin qeyb ka ah abaarta. In ka badan 2.2 malyan oo qof ayaa ku jira xaalad adag oo u baahan kaalmo deg deg ah.

Dardaaran

Waxaan Dawladaha Caalamka ee deeqaha bixiya iyo Hay,adaha kaladuwan sida UN, Unicef iyo Save the children ka codsanaynaa inay gargaar bini’aadamnimo oo deg’deg ah la soogaadhaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Ogadenia.

Dhanka kale waxaan Qurbajoogta Soomaaliyeed ee gobolkan Ogadenia udhashay ugu baaqayaa inay si iskutashi ah usoo caawiyaan dadkooda tabaalaysan ee ay Abaabtu laynayso.

W/Q : Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Email : Liibanabdi29@gmail.com