Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.
Eritrea ayaa sii sharci darro xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo sii qalad lagu eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.
Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.
Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.