Wararka nagaa soo garaaya degmada Imeey Galbeed ee gobolka Afdheer ayaa sheegaya in xalay Dil loo gaystay qof dumar ah oo shacab ah.

Ilo degaanka ayaa Halgan Media u sheegay inuu dilka ka dhacay tuulada Balidari oo hoos yimaado degmada Imeey Galbeed ee gobolkaasi.

Nin lagu tuhmayo in uu gaystay dilkan ayey mamuulka Imeey Galbeed gacanta ku dhigeen. Waxaana la xaqijiyay niinka oo dilka ugeystay gabarta, isna ah qof shacab ah.

Halgan Media.