Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulamo La gataay Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah Wal Jameeca.

Kheyre ayaa hooyga uu ka daganyahay Dhuusamareeb kula kulmay gudoomiyaha guud ee Maleeyshiyaadka Ahlu Sunnah Macalin Maxamuud Sh. Xasan iyo madaxa iyo gacaan yarahiis Sh. Maxamed Shakir Cali Xasan, waxayna ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii soo kala dhex-galay dowladda Federaalka iyo Maleeyshiyadka Ahlu Sunnah, sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha kudhaqaan gobolada dhexe oo loo iclaamiyey in maalin kaddib uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhuusamareeb kulamo kale kula yeeshay maanta odayaasha dhaqanka kasoo jeedo gobolka Galgaduud, siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada Dhuusamareeb siidi ay sheegan warbahiinta ee ledahay Dowlada Soomaaliya.

Warkan iyi wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.