Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah ayaa waxa uu maanta ka dhacay degaanada kala duwaan ee ismamuulka Canfaarta.

Magalaayoinka kala duwan ee gobolka Canfaarta ayaa xiisad ka tagaan kadib markii ay ciidamada federalka afdubeem dhalinyaro farabadan. Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa kasocdan magalaada Awash iyo Dwaraw.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah ciidamada Federalka iyo Mamuulka Canfaarta, kuwaas oo ay kaga cabanayeen maamulkiisa.

Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay banaanbaxaasi ayaa Halgan Media u sheegay in u jeedada ugu weyn ay tahay in aysan ku qanacsaneen hoggaanka Ismaamulka Canfaarta.

Xaaladda gobolka Canfaarta ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira kulamo siyaasadeed oo si gooni gooni ah uga socda waxgaradka kasoo jeedo Qomiyada Canfaarta.

Hoos ka daawo Sawiirada

 

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media