Rag hubeeysan ayaa dilay ugu yaraan Afar ruux kadib weerar ay ku qaadeen Qunsuliyadsa Shiinuhu uu ku leeyahay Magaaladda Karaaji ee Dalka Pakistaan.

Rasaas ayaa laga maqlay Suuq ku yaala Qunsuliyadda banaankeeda 9:30 daqiiqo waqtiga maxaliga ah, Ciidanka Booliiska ayaana toogtay Sedax qof oo weerarka soo qaaday.

Koox gooni u goosato ah oo diidan Maalgashiga Shiinaha ee Pakistaan ayaa sheegay in ay weerarka qaadeen.

Weerarka kale oo maanta ka dhacay Woqooyi galbeed oakistaan isna waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 ruuux. Weerarka waxaa la sheegay in uu ahaa Qarax gaari loo adeegsaday.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.