War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudi Carabiya ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaaliya iyo Ehelladii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadaasi. Sidoo kale dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dadkii dhaawacmay qaraxyadaasi ay u rajeysay caafimaad deg deg ah.
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, halka ay ku dhaawacmeen in badan 40 kale, waxaana dusha u ridatay masuuliyaddooda Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Weeraradan oo Ismiidaamin ahaa ayaa ku soo aadaya, xilli Baydhabo ay ka socoto qaban qaabada doorashada hoggaanka mamaulka K/ Galbeed Soomaaliya.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.