Sida ay qoreen Warbaahinta Yemen iyo midda dibada ah diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa duqeeyay magalaada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntay. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Isbahaysiga Sacuudiga iyo dhanka Dowlada Yemen oo ku aadan duqeyntaasi.

Sacuudiga weli kama aysan hadlin duqeynta ay ka fuliyeen caasimada dalka Yemen. Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 6aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.