Wararka nagaa soo garaay Koonfurta Soomaaliya gar ahaan gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Sarkaal weyn oo katirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa isku dhiibay Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa wakalada Halgan Media u xaqijiyay Sarkalkaan oo lagu magacaabo Cumar Heegan wuxuu horay ula shaqeyn jiray Zakariye ismaaciil oo ay Al Shabaab isla ahaan jireen.

Sarkalkaan oo qeybta Amniyaatka Al Shaaab kamid ahaa ayaa gelinkii hore ee maalintii jimcaha isku dhiibay degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib diyaarad Helokobtar ah ayaa lagu geeyay magalaada Muqdisho, walina lamasoo bandhigin.

Cumar Heegan oo muddo 12 sanadood ah katirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa hada kusugaan xarunta Nabad Sugida Habar khadiijo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.