Waxaa caawa lagu qabtay garoonka Diyaaradaha JKIA ee magalaada Nairobi lacag uu waday Xoghaynta Agaasimaha NISA, Cabdullahi Kullane (Jiis Mariixaan) oo ka trisan madaxda hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Sida warbaahinta u xaqiijeen mas’uuliyiin ka ka tirsan garoonka JKIA iyo booliska dalka Kenya,  lacagtaan oo lagu qiyaasay $1.7 Milyan oo  ah lacagta Maraykanka ayaa waxaa loo waday dalka Itoobiya.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay hadda gacanta ku hayaan Cabdullahi Kullane (Jiis Mariixaan) iyada oo uu garoonka ku sugan yahay garyaqaan Axmad  Adan (Axmad Dhere) oo ah Somali-Kenyan isla markaana ay ehel house yihiin Madaxweyne Farmaajo. Axmad Dhere ayaa ah qofka lacagaha u hayo Madaxweyne Farmaajo isla markaana maalgalin ugu sameeya.

Lacagta loo waday dalka Itoobiya ayaa waxa la sheegayaa in la doonayay in laaluush lagu siiyo saraakiisha ciidanka Itoobiya. Su’aalaha la is weydiinayo caawa ayaa ah maxaa keenay in lacag boorso lagu soo qaado? halkee ka timid lacagtaas?  yaa loo waday in la siiyo lacagtaas?

Fahad Yasin ayaa maalmihii la soo dhaafay isaga daba noq-noqonayay  magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuuna kulamo la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan  sirdoonka Milateriga Itoobiya. kulamadaas ayaa la xiriiray sidii ciidan Itoobiyaan ah loo gayn lahaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo si ay u afduubaan doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Jubaland.

Xigasho : All Mareeg