Wararka naga soo gadhay Soomaaliya gar ahaan gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Shaqaale u Shaqeynayey mid ka mid ah Hay’adaha ka howlgalla gobolka Baay Galabta la afduubtay. Rag hubeysan oo aan weli la garan ayaa Shaqaalaahas oo watey Gaari NOH,ah waxa ay ka afduubteen xilli ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Baydhabo iyo Awdiinleagar ahaan deegaanka Busleey ee gobolka Baay.
Shaqaalahaan ayaa waxa ay tiradooda gaarayaan ilaa shaan qoof. Saddex haween ah iyo laba rag ah,waxana weli la ogeyn dadka ka dambeeyey afduubka Shaqaalahaas. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baydhabo oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyey afduubkaas,iyaga oo sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dadka ka dambeeyey afduubka Shaqaalaha u Shaqeynayey mid ka mid ah Hay’adaha ka hwolgalla gobolka Baay.
Waxaa socda dadaalo lagu raadinayo shaqaalaha la afduubtay oo dhammaantood ah Soomaali, saraakiisha Hay’adda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin afduubkan loo geystay shaqaalahooda. Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.