Shirka Golaha guud ee Midawga Afrika ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo magalaada Addis Ababa.

Waxaana shir gudoominayay shirka Paul Kagame oo ah Madaxweynaha Dalka Rwanda, iyadoona shirka uu ka socda Magaalada adis ababa ee dalka Itoobiya.

Qodobada looga hadlayay shirka ayaa waxaa kamid ah ahaa dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta Midawga Afrika (AUDA) iyo qodobo kale.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo gaba gabeeyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.