Waxaa maanta magaalada Maqale ee caasimada Gobolka Tigrey ka socday shir xasaasi ah oo ay madaxda kooxdii gabalkeedu dhacay ee TPLF ku lahaayeen.

Shirkan oo kusoo beegmay xilli xasaasi ah ayaa ujeedkiisu ahaa inay qiimayan wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay lixdii bilood Ee u danbaysey. Dood dheer iyo falanqayn kadib waxaa la isku afgartay in aan lagu deg degin go’aamo oo qaar kamid ah madaxdu ay aad u hadal hayeen intii mudo ah.

Xaalada Itoobiya ayaad moodaa inay maalinba maalinta kasii dambaysa meel halis ah kusoo dhacayso, waxaa socda kacdoono iyo xurgufo u dhexeeya qawmiyadaha dariska ah, sidoo kale waxaa jira xiisado siyaasadeed oo deegaamada kala duwan iyo Federal ka u dhexeeya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.