Waxaa maalmahan magalada Goday ee Xarunta gobolka Shabelle kajira sicir barar dhanka ganacsiga ah, Waxaana dhamaan sare ukacay qiimaha suuqa ganacsiga

Intii lagu dhawaaqay badalida lacagta Itobiya waaxaa gudaha magalada Goday kamuuqday sicir barar dhanka ganacsiga waawayn iyo kanyaryarba ah.

Sidoo kale waxaa maanta ugu dambayn sare ukacay qiimaha shaaha ee laga cabo suuqa (meheradaha) kaasoo qiimihiisu gaadhay 10 birr (toban birr )halka uu marki hore ahaa 5 birr (shan birr)

Dhamaan bulshada kunool magalada Goday ayaa waxaa kamuuqda in laga dareemayo sicir barar aad usareeya

Dhanka kale ganacsato aan waraysi layeelanay ayaa noo sheegay inaysan iyagu wadin qiimaha sare ukacay waqtiga kooban, Waxayna kutilmaameen mid ka yimaaday dhanka sarifka doolarka

Ugu dambayn lama oga in sidan uu kusii socon dono suuqa maalmahan dhanka dawlada wali xidhiidh maana layeelanin balse wali kama aysan hadlin sare ukaca ganacsiga.

Wariye Bashir Cabdullahi – Xafiska Goday