Shir laba geesood ah oo ujeedadiisu tahay sidii loo soo afjarilahaa colaadda ka dhexaysa shacabka Soomaaliyeed iyo Oromada, kala degan degaanada Tuliguuleed iyo Jinacsani ee gobolka Fafaan ayaa maanta ka qabsoomay isla degaanka Tuliguuleed.

Degmada Tuliguuleed waa magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan Somali Galbeed, badanaa qabalaha ay ka koobneyd waxaa la wareegay Oromada, dadkiina ka barakiciyey, waxa ayna magaalo madaxda Somali Galbeed ee Jigjiga u jirta 30 kilomitir dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani.

Shirka maanta ka biloowday Tuliguuleed ayaa waxaa ka soo qaybgalay saraakhiisha ciidamada federalka Itoobiya ee fadhigoodu yahay magalaada Harar iyo saraakhiisha ciidanka Liyuu Booliska ee Somali Galbeed iyo waliba maamulka labada degmo ee Tuliguuleed iyo Jinacsani.

Magaalada Jinacsani oo hore u ahayd deegaan Soomaalida ayaa kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida.

Weerarada joogtada ah, xasuuqa, iyo barakcinta Oramadu ku hayso shacabka Soomaaliyeed, siiba dhanka Tuliguuleed, ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal, si loo gaaro xeebta Saylac. Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuliguuleed iyo Degmada Awbarre.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.