Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in muhaaajiriin ka badan 100 qof ay toddobaadkan dhinteen.

Muhaajiriintani ayaa sida ay hay’adda sheegtay ku dhintay xeebaha dalka Liibiya. Dadkani muhaajiriinta ah oo intooda badan ka soo jeeda Afrika ayaa la socday labo doomood.

Sida ay sheegtay hay’adda MSF muhaajiriintani ayaa ku sii jeeday dalalka ku yaalla koonfurta Yurub. Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday musiibadan ayaa MSF u sheegay in mid ka mid ah doomahani uu matoorka cillad kaga yimid islamarkana mida kalana ay quustay.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.